Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2025

WACYIGELIN: KA HORTAGGA IYO MAAREYNTA CUDURKA Gowracatada ( AF SOMALI )

WACYIGELIN: KA HORTAGGA IYO MAAREYNTA CUDURKA Gowracatada Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in kordhay kiisaska la soo sheegay ee Gowracatada, oo ah cudur halis ah oo si fudud u faafa, kaas oo hadda saameeyay degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhow. Gowracatada waa cudur khatar ah oo uu keeno bakteeriyada Corynebacterium diphtheriae. Cudurku inta badan wuxuu ku dhacaa carruurta, balse dadka waaweynna wuu ku dhici karaa. CALAAMADAHA IYO ASTAAMAHA Gowracatada: 1. Qandho fudud oo si tartiib ah ku bilaabata 2. Cunno xanuun daran, gaar ahaan marka la liqayo 3. Xanuun cunaha ah, codka oo qallala (hoarseness), iyo qufac joogto ah 4. Barar qoorta ah (qanjirrada qoorta oo weynaada) – badanaa carruurta ku badan 5. Xuub caddaan ama cawl ah oo daboolaya cunaha ama hunguriga – taas oo keeni karta neefsashada oo ku adkaata 6. Daal, lalabo iyo neefsashada oo yaraata 7. Xaaladaha daran, cudurku wux...